Muxuu kusoo dhamaaday kulankii adkaa kooxaha Banaadir SC iyo Gaadiidka

Kooxaha kubbadda cagta Banaadir SC iyo Gaadiidka ayaa wada cayaaray  kulan adag galabta  kaas oo katirsana  horyaalka Somali Premier League.

Qeybta kowaad kulanka ayaa lagu kala baxay 2-0 oo ay hogaanka ku qabteen  xiddigaha Banaadir SC waxaan u dhaliyay xidigaha kala ah Caadil Nuur Cali oo (No.11) qaata iyo C/qaadir Aadan Eenow

Markii leysku soo laabtay qeybta labaad dheesha xiddigaha Banaadir SC ayaa lasoo baxay cayaar ku dheehan fursad waxaana goolka 3-aad ka dhaliyay C/qaadir Aadan Eenow,isgaoo labo gool xirfadaysan ka dhaliyay shabaqa kooxda Gaadiidka

Kulankan waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Siyaad Cali Xuseen,Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Mahad Maxamed Maxamuud,halka calanhayaha 2-aad uu ahaa Daahir Muxidiinn Xilif (Lafey)

Banaadir SC ayaa gaartay guul ay u baahneyd waxayna Gaadiidka looga badiyay 3-0 waxayna lee dahay 14-dhibcood waxayse kaalinta 3-aad kala baxday naadiga booliska ee Heegan

 

-Kooxda Gaadiidka waa kooxda ugu hoosaysa horyaalka Somali Premier League xillil cayaareedkan waxayna ku jiraan kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka,iyadoo leh 3-dhibcood

-Gaadiidka todobaadkii hore waxaa 3-1 kaga adkaatay kooxda Elman,halka todobaadkan 3-0 guul daro ka kulantay Banaadir SC wadar ahaan weekii 7-aad iyo 8-aad horyaalka waxaa laga dhaliyay 6-gool

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com