Muxuu kusoo Dhamaaday kulankii kooxaha Horseed iyo Dekedda

Kooxaha Horseed iyo Dekedda ayaa shalay galab ku  hardamay garoonka koonis ee degmada Cabdcasiis cayaar ka tirsaneyd tartanka general Daa’uud.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa soo bandhigay kubad aad u heersareyo oo ay ku qancaan taageerayasha u soo daawasho tagay.

Cayaarta waqtigeydii caadiga wuxuu ku soo dhamaaday bar baro 1-1, balse sida caadiga aheyd waxaa la aaday gool ku laad maadama kulanka uu ahaa mid ka tirsan wareega afar dhamaadka.

Horseed ayaa ku badisay 5-4 gool ku laad, kadib markii uu qasaariyay kabtanka kooxda Dekedda Cabaas Aamiin kaa oo kubada dusha ka marsiiyay shabaqada.

Tababare Macalin Cabdi Joon waa sanadkii labaad oo xiriir ah uu gaarayo finaalka General Daa’uud, sanadkii hore Elman ayuu la qaaday sanadkan Horseed ayuu u suurta galiyay iney gaarto Finaalka.

Ugu dambeyan Horseed ayaa iska xaadirisay finaalka Koobka General Daa’uud, iyado sugi doonto midkood Banadir Sports Club iyo Saxafi Fc oo bari wada ciyaari doon