Muxuu kusoo dhamaaday kulankii u dhexeeyay Kooxaha Dekedda iyo Heegan

Kooxaha Kubada Cagta Dekedda iyo Heegan ayaa ku kala baxay bar baro goolal la’aan ah 0-0, Cayaar ka dhacday garoonka Koonis Stadium degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, kaas oo qayb ka ahaa Horyaalka Soomaali Premier League.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa laba Koox ay soo bandhigeen Ciyaar ay ad u jeclaysteen dad waynihii kasoo qayb galay, marka loo fiiriyo fursadaha laba Koox ay heleen intii ay socotay qaybtii hore ee dheesha.

Markii lays kusoo laabtay qaybtii danbe ee Cayaarta, Kooxda dekedda ayaa kulankan ku waysay Cayaariyahan Cabdala Cali Bile, halka Kooxda Booliska ee Heegan iyadana uu ka dhaawacmay Cayaariyahan Mahad Cali beeray, ku waas oo garoonka laga saaray intii ay socotay kulankan.

Kooxda Dekkeda ayaa hada ku haysa hogaanka Horyaalka 18-dhibcood, halka Kooxda heegan ay iyadana lee dahay 13-dhibic, xilli Kooxda Horseed hadii ay badiso kulanka toddobadkan ay isku dhibco noqon karaan Kooxda hogaanka haysa ee Dekedda, waxayna hada lee dahay Horseed 15-dhibic.

Si kastaba ha ahaatee” kulankii galabta ee u dhexeeyay labada Koox ee Heegan iyo Dekedda waxaa garsoore ka ahaa Xasan Maxamed Xaaji, (Xasan Baari)halka Calanhayaha Kowaad uu ahaa Mahad Maxamed Gentelman, Calanwadaha labaadna wuxuu ahaa Xasan Xuseen Mocow, halka sarkaalka afaraad ee kulankanna wuxuu ahaa C/Risaaq Aways Maxamuud, wuxuuna kusoo dhamaaday barbaro 0-0.

W\Q:cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com