Muxuu kusoo dhamaday kulankii ay dhax dhaxaadinayeen Garsoorayaasha soomaaliyeed ee kooxaha Zambia iyo Guinea

 

Kulankii aadka uxiisaha badnaa ee u dhexeeyay xulalka kala ah zambia iyo guinea bissau ayaa soo dhamaaday waxaa 2-1 ku badiyay xulka Zambia oo gurigiisa lagu ciyaaraayay.

Kulankaan waxaa garsoore ka ahaa.

Garsoorayaal Somali ah oo heerka caalami,Xasan Baari ayaa ahaa garsooraha dhexda Calanhayaha 1-aad Xamse Xaaji Cabdi,Calanhayaha 2-aad Suleymaan Sheikh Bashiir Cabdi,halka garsooraha keydka uu ahaa Cumar Cartan .

kulankaan wuxuu ka tirsanaa isreb reebka koobka africa cup of nations 2019.

Daawadashada kulankaan waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Dalka Zambia Edgar Lungu

Garsoorayaasha somaliyeed ayaa soo bandhigay awoodooda iyagoo si guul kusoo dhameeyay kulankan.

Garoonka ayaa ahaa mid aad ay ubuuxeen taagerayaal fara badan oo kala taageersanaa labada wadan.

 

 

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 4 people, crowd and outdoor

Image may contain: one or more people and stadium