Muxuu kusoo idladay kulankii adkaa ee Heegan Iyo Horseed

Kooxaha Heegan iyo Horseed ayaa ku kala baxay bar baro 0-0 ciyaar ka dhacday galabta garoonka Banadir taa uu qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore kulanka labada kooxod ayaa soo bandhigeyn kubadd ay aad ugu riyaaqeyn jamaahiirtii u soo daawasho tagay ciyaarta balse Labada kooxod ayaa wada qaateyn kaarka roosaha, Heegan waxaa roose ka qaatay xidiga lagu magacabo Abshireey halka Horseed loga siiyay xidigeeda daafaca ugu ciyaara ee Cali Cade, qeybtii hore dheesha ayaa lagu kala nastay 0-0.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta labada kooxod ayaa dar dar xoogan ku soo galay garoonka balse wax sidaas ah ma iska badalin ciyaarta.

Kullanko dhamaat ah Horseed ayaa heshay gool ku laad kadib markii uu goolhaya kooxda Heegan Mustaf Nakuja qalad ku galay weeraryahanka kooxda Horseed Bernado balse rigooradas ma aysan ka faa’ideysan kooxda cawo iyo maalin waxaana ka qasaariyay xidigeeda Xasan Cabdinuur Geesey (Xasaasi).

Ugu Dambeyn Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-0 balse bar barahan waxey dhabar jab weyn ku tahay Horseed madaama ay galabta rabtay iney hogaanka horyaalka qabato.

W\Q;cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com