Muxuu Maxamed Saalax ka yiri wararka la bar-bar dhigaya Lionel Messi?

Dalkiisa waxaa looga yaqaanaa Messi-ga Masaarida, iminkana Premier League ayay ka bilaabatay in lala bar bardhigo laacibka mucjisada ah ee reer Argentina

Maxamed Saalax ayaa dhaliyay afar gool midna caawiyay cayaartii ay 5-0 uga adkaadeen Watford taa oo uu Rikoodho badan ku gaaray

Wuxuu noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda ee Liverpool hal xilli cayaareed u dhaliya 36-gool, wuxuuna hal gool u jiraa Didier Drogba oo heysta Rikoodhka Afrikaanka goolashii ugu badnaa hal xilli cayaareed ka dhaliya Premier League

Intaa oo kaliya ma ahanee Maxamed ayaa ugu goolal badan Shanta horyaal ee ugu waa wayn Qaarada Yurub

Laakiin, sidaas ay tahay wuu garanayaa tababartiisa iyo inaan marna lala bar bardhigi karin laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Lionel Messi, inkastuu sheegay in hal meel uun xilli cayaareedkan lagala bar bardhigi karo taa oo ah goolasha ay dhaliyeen

Image result for mess iBallon d'Or Winner

“Xaqiiqdii waa wax fiican in lagula bar bardhigo cayaaryahan u wayn sida Messi oo kale, kaa oo heerka sare joogay sanado badan,” Saalax ayaa sidaa u sheegay dhacdo ay qabaneysay Vodafone

“Laakiin Waxaan ka hadlayaa oo kaliya is bar bar dhiga tirada goolasha aan dhalinay”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com