Muxuu Mourinho Ka Yiri Guul Daradii Sevilla, Cida Uu Ku Adeeyay, Ka Harista CL & Hadii Laga Fiicnaa

Kadib guul daradii kasoo gaartay Sevilla taasoo ahayd 2-1, islamarkaana sababtay in guud ahaan laga soo ciribtiro tartanka Champions League, ayaa wuxuu Jose Mourinho aqbalay guul darada, isagoona qirtay in qalad uu isaga sameeyay looga badiyay.

Macalinka oo kulanka kadib hadlay wuxuu cod dheer ku sheegay in ciyaartoydiisa ay qabsadeen shaqadooda, islamarkaana aysan jirin cid uu ku eedaynayo guul darada, wuxuuna ugu hambalyeeyay Sevilla guusha ay gaareen.

“Marka ay kooxda guuleysato qof walba waa uu guuleystay, laakiin marka ay kooxda guul dareysato macalinka ayaa guul dareystay,” Mourinho ciyaarta kadib sheegay MEGA TV, oo laga leeyahay gudaha wadanka Spain.

“Waxaa cad inaan ku guul dareystay qaladaad aan aniga sameeyay, marka waxay ka dhacdaan meel walba, England, Spain ama Shiinaha,” ayuu hadalkiisa ku daray

“Kani waa Banooni ah, marka Sevilla si wacan ayay ushaqeeyeen, waxaana ay heleen natiijo ay ugu yaraan uqalmeen, sababtoo ah kubadda wax wax badan ayay Koontrooleen, waxaana aan ugu Hambalyeynayaa guusha ay gaaraan.

“Marka kulanka uu noqday 1-0, waxaan awood u lahayn inaan soo laabano, laakiin waxaad umaleynaysaa in goolkii labaad uu wax badan bedalay, taasoo keentay inaan dadaal badan aan sameyno aan heli weyno wixii aan rabnay,” ayuu sii daba dhigay.

“Wax walba waxay isbedaleen daqiiqadihii ugu dambeeyay, maxaa yeelay waxaa naga dhumay oo aan luminay Taxadirka, Feejignaanta iyo waliba Koontaroolka kulanka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, hogaamiyaha Manchester United.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com