Naby Keita & Mohamed Salah Oo Laba Daqiiqo Gudohood Liverpool Ugu Soo Saaray Wareega 16-ka Champions League

Liverpool ayaa guul kaga soo xiratay kulamada wareega group-yada Champions League, kaddib markii ay kooxda Salzburg oo ay booqatay kaga soo adkaatay 0-2 waxayna kaalinta koowaad kaga soo baxday GROUP E ee tartankan

Qeybta hore ee cayaarta ayaa lagu maray barbaro 0-0 ah

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab cayaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay

Daqiiqadii 57-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay cayaarta waxaana 0-1 ka dhigay Naby Keita, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane

Image result for Salzburg 0-2 liverpool

Liverpool ayaa markale la timid gool daqiiqadii 58-aad waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Maxamed Saalax

Ugu dambeyn cayaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-2 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Liverpool

Image result for Salzburg 0-2 liverpool

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com