Natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii La Liga iyo Real Madrid oo dhegta dhiigga loo daray

Horyaalka dalka Spain ee La Liga ayaa toddbaadkan soo laabtay, ka dib nasashadii .

Natiijooyin cajiib ah ayaa kasoo baxay kullamadii laga ciyaaray Horyaalka La Liga , iyadoo Real Madrid guuldarro xun lagu la kulantay ayadoo garoonkeeda Bernabeu joogta.

Image result for real madrid

Sevilla ayaa soo dhoweysay kooxda Atletico Madrid, waxaana ciyaartaas ay ku idlaatay bareejo 1-1 ah.

Xiddiga Wessam Ben Yedder ayaa u dhaliyay Sevilla, waxaase Atletico goolka bareejada usoo celiyay weerar yahahnka Antoine Griezmann.

Real Madrid ayaa guuldaro la yaab leh kala kullantay kooxda Real Sociedad oo marti u ahayd.

William Jose iyo Pardo ayaa dhaliyay labada gool ee ay Real Madrid kaga taqalluseen, iyadoo casaan uu qaatay Lucas Vazquez oo ciyaarta laga saarray.

Ugu dambeyn Barcelona ayaa garaacday kooxda Getafe, iyadoo Lionel Messi iyo Luis Suarez ay min hal gool dhaliyeen.

Image result for real madrid