Navas Oo Furka Tuurtay: “Intaan Thibaut Courtois Dartiis U Bixi Lahaa Dhimasho Ayaa Iidhaanto”

Goolhayaha Real Madrid ee Keylor Navas ayaa wuxuu wacad ku maray inuu diyaar uyahay inuu u dagaalamo booskiisa fasal ciyaareedka soo socda, inkasta oo ay Madrid lasoo wareegtay Thibaut Courtois.

Thibaut Courtois ayay Los Blancos kaga soo qaateen dhigooda Chelsea, waxaana loo arkaa mid talaabadaan khal-khal gelinaysa in Navas uu noqon doono dookha koowaad ee Los Blancos.

Laakiin, Navas wuxuu balan ku qaaday in Thibaut Courtois dartiisa uusan uga tegi doonin Madrid, isaga oo sheegay inuu diyaar yahay inuu loolan u galo sidii uu kasban lahaa kalsoonida macalinka Madrid.

“Xoog ayay isiineysaa [imaatinka Thibaut Courtois], dabcan,” ayuu Navas usheegay Idaacad ku taala dalka Spain.

“Isla waqtigaas, waxaa go’aan saday in halkii aan ka bixi lahaa ay iidhaanto inaan iska dhinto,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Waxaan diyaar u ahay inaan u dagaalamo sidii aan uheli lahaa dookha kowoaad,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Sikastaba, waxaa la rajeynayaa in maamulaha Real Madrid uu jadwal usameeyo Thibaut Courtois iyo Keylor Navas, maadaama labadooduba ay yihiin Shabaq-ilaaliyaal aanan kala liidan.