Netherlands ayaa Jarmalka  guul weyn ka gaartay kulan ka tirsanaa isreebreebka Euro

Xulka Netherlands ayaa Jarmalka  guul weyn oo 4-2 ah ka gaartay kulan ka tirsanaa isreebreebka Euro 2020 oo ka dhacay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Xulka Holland ayaa ciyaarta si fiican ku bilowday laakiin Serge Gnabry ayuu ahaa xiddigii hogaanka u dhiibay xulka Jarmalka ka dib qalad difaacasho oo ay Netherlands sameysay daqiiqad ka dib markii Memphis Depay uu ku qasbay Manuel Neuer inuu badbaadin fiican sameeyo.

Qeybtii labaad Virgil van Dijk iyo Matthijs de Ligt ayaa loo baahday inay kubado halis ah difaacdaan iyadoo Giorginio Wijnaldum uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.

De Ligt ayaa rigoore laga dhigay markii ay kubada gacantiisa ku dhacday iyadoo Toni Kroos uu u barbareeyay xulka Jarmalka markii uu dhaliyay rigoorada isagoo ciyaarta ka dhigay.

Si kastaba, Donyell Malen ayaa goolka seddexaad u dhaliyay xulka Netherlands daqiiqadii 79aad, laakiin waxaa ciyaarta hurdo u diray Wijnaldum oo goolka afaraad saxiixay waqtigii dhimashada ciyaarta.

Image result for Holland vs Jarmalka

Image result for Holland vs Jarmalka