Newcastle Oo Ku Dhagtay Man City- Xilli Rajadii Pep Guardiola ceel ku dhacday Horyaalka

Newcastle United oo taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah

Daqiiqadii Manchester City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Raheem Sterling, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis David Silva

25 daqiiqo marka ay cayaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Jetro Willems, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Miguel Almiron

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay cayaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay

82 daqiiqo Manchester City ayaa markale la wareegtay hogaanka cayaarta, waxaana markan 1-2 ka dhigay Kevin De Bruyne

88 daqiiqo markale kooxda Newcastle United ayaa heshay goolka barbaraa, waxaana 2-2 dheesha ka dhigay Jonjo Shelvey

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Newcastle United iyo Manchester City

Image result for newcastle 2-2 man city

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com