Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday lacag dhan….

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday lacag dhan £ 1million todobaadkii si uu ugu sii joogo kooxad PSG. Sida laga soo xigtay wargayska Sunday Times, Neymar ayaa u sheegay kooxdiisa iney sedax jibaarto mushaarkiisa todobaadlaha ah si uu ugu sii joogo magaalada Paris.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Neymar ayaa ka codsaday Paris Saint-Germain in mushaar kordhin lagu sameeyo xilli cayaareedka soo socdo. Aabaha dhalay ayaa la fahamsan yahay inuu soo jeediyay in PSG ay horumarineyso ereyga dhaqaale ee wiilkiisa iyadoo ay Real Madrid dooneyso inay dib ugu celiso magaalada madrid ee dalka Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com