Neymar haduu Ku Biiro Real Madrid Maxay Uga Dhigantahay Messi? – Leo Oo Oo Afka Furtay

Weeraryahanka Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ayaan jecleysan doonin inuu Neymar ku arko isagoo xiran funaanadda Real Madrid, taasoo ay si aan caadi ahayn u xafiiltamaan

Image result for messi and neymar

Neymar iyo Messi ayaa afar sano ka wada cayaaray Camp Nou, waxa ayna ahaayeen saldhigga saddexleydii cajiibka ahayd ee MSN oo uu ku wehlinayay Luis Suarez, ka hor inta uusan weeraryahanka reer Brazil u dhaqaaqin Paris Saint-Germain xagaagii hore

Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaan u muuqan mid caga dhigtay caasimadda faransiiska waxaana lala xiriiriyay Real Madrid oo dooneysa inay dib ugu soo celiso xirfadlahan horyaalka Spain ee La Liga

“Waxa ay noqon doontaa arrin dhib badan inaan Neymar ku arko maaliyadda Real Madrid, waayo waxa uu Barcelona ula micno yahay wax walba” ayuu Messi u sheegay TyC Sports
Waxa uuna intaas Raaciyay inay dharbaaxo xooggan ku noqon doonto dhammaan taageerayaasha

Image may contain: 1 person, smiling, text