Neymar Oo Barcelona U Qabtay Wakhti Ay Ku Dhamaystiraan Heshiiskiisa

Xiddiga Kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha La Liga ugu tunka weyn ee Real madrid iyo Barcelona kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xidiga reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Barcelona u qabtay wakhti ay ku dhamaystirto heshiiskiisa xilli uu ka cabsi qabo in uu ku laaban waayo Camp Nou.

27 Jirka ayaa ka shalaynaya in uu isaga tagay kooxda Barcelona kuna biiray kooxda PSG xagaagii 2017 waxana uu dareensan yahay in uuna horyaalka France ahayn mid u qalma tayadiisa.

Barcelona ayaa saxiixa xiddiga kula dagaalamaysa Real Madrid kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga waliba rumaysan in uu ka caawin karo ku guulaysiga champions League.

Wargaysk Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Neymar wakhti ay ku dhameeyaan heshiiska u qabtay kooxda uu hogaamiyotababare Ernesto Valverde.

Neymar ayaa doonaya in ay Barcelona doonayso in ay kor u qaado dalabkooda waliba dhamaystirto saxiixiisa dhamaadka todobaadkan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu