Neymar oo doortay tababaraha laylin doona kooxda PSG xili cayaareedka dambe

Xiddiga Neymar ayaa la wadaagay maamulka PSG magaca tababaraha badali doona Unai Emery oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilicayaareed kaan

PSG ayaa si dhab ah u bilowday raadinta tababarihii badali lahaa Unai Emery kaas oo ku guul daraystay inuu Champions League u qaado kooxda labadii xilicayaareed ee uu joogay sida ay baahisay AS

Liiska tababareyaasha ay doonayso PSG waxaa ku jira Diego Simeone, Carlo Ancelotti, Luis Enrique iyo Antonio Conte

Milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa safar ku aaday dalka Brazil si uu u hubiyo xaalada caafimaad ee Neymar kadib qaliinkii uu maray iyo inuu kala tashto qorshaha kooxda ee xilicayaareedka dambe

 

Neymar ayaa milkiilaha kala sheekaystay mustaqbalkiisa iyo sidoo kale tababarihii badali lahaa Unai Emery balse Neymar ayaa u sheegay inuu jecel yahay in PSG tababare looga dhigo tababarihiisii hore ee Luis Enrique

Nasser Al-Khelaifi wali wax go’aan ah ma qaadan sida la sheegay laakiin wuxuu isku dayi doonaa inuu qanciyo laacibkiisa Neymar

Image result for neymar and luis enrique picture

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com