Neymar Oo Kaliya 60 Milyan Uga Tagi Kara Barcelona & Sababta Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka France ayaa qarxiyay lama filaan culus oo ku saabsan shardiga xiddiga reer Brazil ee Neymar u ogolaanaya in uu kooxda PSG isaga tago qiimo aad u yar

Image result for neymar

Wargayska Le Parisien ayaa sheegay in Xeerka u yaala xiriirka FIFA u ogolaanayo xiddiga da,diidu ka yartahay 28 jir uu dhinac kaliya ka go,aamin karo heshiiskiisa kadib 3 xilli ciyaareed marka uu la joogo kooxdiisa iyada oo la siin doono lacag Mag dhaw ah oo uu go,aamin doono xeerka dalak u yaala ee ku saabsan ciyaaraha kubada cagta.

Sida uu sheegay wargayska reer France Neymar ayaa awood u leh in uu Kansalo heshiiskiisa kooxda PSG waliba miiska u saaro lacag dhan 60 Milyan oo euro taas oo la mid ah mushaharka Neymar ee Kooxda PSG ee sanadihii uu joogay kooxda

Image result for neymar

Hadii uu Neymar dhaqan galiyo xeerka FIFA waxa uu isaga tagi karaa kooxda PSG marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dambe isaga oo ku biiri kara kooxda uu doonayo

Image result for neymar

Neymar si aad ah u doonayay suuqii xagaagii la soo dhaafay in uu si aad ah ugu laabto kooxda Barcelona