Neymar Oo Si Adag U Dhaliilay Garsoore Bjorn Kuipers Xili Xidiga PSG Uu Fahfaahin Ka Bixiey Sababta

Ma ahan markii ugu horeysay, Neymar ay isku dhacaan garsooraha reer Holland ee lagu magacaabo Bjorn Kuipers.

Labadooda ayaa sidoo kale waxay isku dhaceen kulan Brazil la ciyaartay Costa Rica Koobka Adduunka, taasi oo ka dambeysay markii wadankiisa lagu abaalmarin waayey Rigoorayaal.

Kuipers ayaa ciyaartaan Jaalo siiyay Neymar, xili markii ugu dambeysay ay iska hor-yimaadeen habeenkii Talaada markii ay PSG 1-1 la dhaafi-wayday Napoli.

“Ma jiraan wax cabasho ah oo ku saabsan qaladaadka, maadaama ay taasi dhici karto,” ayuu u sheegay Globoesporte.

“Garsoorka waa nin, waxaana laga yaabaa inuu qalad sameeyo, xittaa haddii ay si cad u cadeeyeen ganaaxa.

“Laakiin sida uu u daawaday ciyaartoyda ayaa muujiyay ixtiraam la’aan.

“Taasi waa sababta aan u lumiyay xakameynta, waxaana lahaan jiray ereyo kaleba.

“Wuxuu u baahan yahay inuu ixtiraamo ciyaartoyda.

“Ma ahan mid ka sarreeya qof walba, sababtoo ah wuxuu heystaa faaruq iyo kaar.

“Waxaan ku dhaleeceeyay sida uu iila dhaqmay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Neymar.