Neymar Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Uu Doonayo Kusoo Laabashada Barcelona

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa laysla dhex-marayey warar xan ah oo ku saabsan in Neymar uu quudareenayo kusoo laabashada Barcelona, ee wadanka Spain.

Si lamid ah, waxaa jiray majaladdo qaar oo qorayay in xidigaan reer Brazil ay suurtagal tahay in hadii Bluagrana ay ka diido uu ku biiro Real Madrid

Iyadda oo ay jirto arrintaasi, ayaa waxaa wax laga waydiiyay laacibka dunida ugu qaalisan kadib kulankii ay 2-1 uga badiyeen dhigooda Liverpool.

Reds ayaa khasaarahaan waxay biday markii ay ku guuldareysteen inay kasoo laabtaan labo gool oo lagala horumary qaybta koowaad ee dheesha.

“Ma sheegi karo haatan waxba, sababta oo ah waa arrin xasaasi ah,” ayuu Neymar ku jawaabay markii la waydiiyay inuu dib ugu laabanayo Barcelona.

“Kaliya waxaan ku xaqiijin karaa inaan ku farax-sanahay halkaan…Waxaana rajaynayaa in wax kasta ay udhici doonan sidaugu hagaagsan, waana dadaali doonaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.