N’Golo Kante oo maqnaa kulankii Man City iyo Chelsea Maxaa u Sabab ahaa

Xiddiga  xulkaFrance ee N’Golo Kante ayaa ka ,maqnaa kulankii kooxdiisa looga badiyey 1-0 ee ay lacayaareen Naadiga Manchester City waxaana lasoo saaray Sababta uu ku maqnaa Xiddigaas oo muhiim u ahaa Chelsea.

N’Golo Kante ayaa lacadeeyey in uu Xanuunsanyahay isla Markaana sidaa daraadeed looga Saaray safka kooxdiisa waxaana badalkiisa lagu soo bilaabay Cayaartoyda Cesc Fabregas,iyo Danny Drinkwater lamana cadayn inta uu ka maqnaan doono kooxdiisa.

Manchester City ayaa 1-0 ku suul daartay Chelsea waxaana ay hogaanka Horyaalka ku qabteen 18 dhibcood 9 kulan ayaana u dhiman aad ayeyna ugu sii dhawaanayaan ku guuleysiga Horyaalka dalka England.

kooxda Chelsea ayaa Record xun soo xaraysaty kulankii M,anchester City kadib markii ay 45 daqiiqo Samayn waayeen wax shuud ah oo ay Gool ku dhalin karayeen mana dhicin 20 sano in kabadan in Chelsea sidaa ku dhacdo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com