“Nin Waalan” – Karim Banzema Oo Dhulka Ku Jiiday Madaxweyne Caan Ah Iyo Sababta Ka Dambeysa

Isagoo ka jawaabayay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa Karim Banzema uu mar kale banaanka soo dhigay inuu yahay mid fahmaya oraahyadda daahsoon.

Aurelio De Laurentiis, Milkiilaha Napoli oo la war-celinaya su’aal ku saabsan inay lasoo wareegayaan Karim Banzema iyo Angel Fabio Di Maria ayaa wuxuu sheegay inay kaliya beegsan doono xidigaha dhalinyarada ah.

Hadalkaan oo umuuqda mid ka dhigan inaanu doonayn ciyaaryahano da’doodu sareyso ayaa loo fasarin karaan inuu yahay mid uu wax kaga sheegayo cimriga labadaan wiil.

Sikastaba, Banzema oo si caro leh uga fal-celiyay ayaa dareenkiisa wuxuu kusoo gudbiyay baraha bulshadda, xili uu umuuqday mid aad uga xanaaqay hadalka kasoo yeeray Aurelio De Laurentiis.

“Nin kale oo waalac ayaa lagu soo daray liiska,” ayuu Karim Banxema ku dul-qoray sawir uu kasoo qaaday hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Aurelio De Laurentiis.

“Wiilka Lamberka 9aad wuxuu ku sameeyay iyaga wax waali ah,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Banzema, kaasoo umuuqday mid soo qaadanaya kulan uu horey uciqaabay naadiga Napoli.