Ogow 10-Saxiix oo ay Chelsea sameyn karto xagaagan

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa ku dhameysatay qaab aanan wanaagsaneyn xilli cayaareedkii lasoo dhaafay iyadoo ka dhacday afarta sare

Blues ayaa dooneysa inay kasoo kabato dhibaatadii ku habsatay 2017-2018 iyagoo hadda suuqa ugu jira tiro cayaartoy ah

Xagaagii hore ayay Chelsea iska dirtay Nemanja Matic iyo Diego Costa kuwaas oo ka caawiyay kooxda ku guuleysigii horyaala Premier League-ga xilli cayaareedkii koowaad ee Antonio Conte

Tan iyo xilligaas ma jirin cayaartoy saameyn ku yeelatay safka Blues oo kusoo biiray Stamford Bridge waxaana bishii Januay ay lasoo wareegtay Olivier Giroud, Rose Barkley iyo Emerson Palmieri kuwaas oo an weli kasoo dhalaalin naadiga Chelsea

Cayaartoyda ay doonayaanne waxaa ka mid ah:

1. Difaaca PSG iyo dalka France ee Layvin Kurzawa

Image result for Layvin Kurzawa

2. Laacibka khadka dhexe uga cayaara Nice iyo Ivory Coast ee Jean Michael Seri

Image result for Jean Michael Seri

3. 24-jirka kabtanka u ah New Castle ee Jamaal Lascelles

Image result for jamaal lascelles

4. Kubbad sameeyaha Los Blancos ee Isco

Image result for isco

5. 20-jirka weerarka uga ciyaara Watford ee Richarlison

Image result for Richarlison

6. Danielle Rugani oo difaaca uga ciyaara Juventus

Image result for Daniele Rugani

7. Difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly

Image result for Kalidou Koulibaly

8. Anthony Martial oo gadood ka ah Manchester United

Image result for Anthony Martial

9. Kabtanka xulka qaranka Poland ee Roberto Lewandowski kaasoo weerarka uga cayaara kooxda Bayern Munich

Image result for Robert Lewandowski

10. Taageerahii Chelsea ee xilliga yaraanta, Luke Shaw oo hadda ku wareersan Manchester United

Image result for Luke Shaw