Ogow Hal Sabab uu Lionel Messi uu kaga Dhaqaaqi karo Barcelona

Kooxda Kubadda cagta ee Barcelona ayaa shaacisay hal sabab uu Lionel Andreas Messi qaab bilaash ah uu ugu dhaqaaqi karo kooxdiisa.
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi waa mid kamid ah Xiddigaha ugu wanaagsan caalamka sidoo kale waa xiddig hogaamiya ka ah xulka Argentina.
Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in Messi kaliya xaaladan uu kaga dhaqaaqi karo Barcelona waa Hadii uu ku biirayo koox aanan ka cayaareenin horyaalada waaweyn sida Laliga, Premier league, Seri A, Ligue 1 iyo Horyaalka Bundesliga.
Kabtanka Barcelona iyo Xulka Argentina Lionel Messi qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Barcelona waxuu dhacayaa marka lagaaro sanadka 2021ka.

Naadiga Blaugrana ayaana u ogalaan doonta Messi inuu ka dhaqaaqo Barcelona 1 sano kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa waxaa sidan oo kale ay u ogalaatay Dani Alves kaasi oo 2016 ku biiray kooxda Juventus.