OGow-Sababta Ay Man United ilaa Haatan Ugu Dhawaaqi Laadahay Saxiixa Fred

Kooxda  kubada cagta ee Manchester  United ayaa wakhti hore dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Brazil ee Fred kaas oo ay kala soo wareegtay naadiga  Shakhtar.

Man United ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay kooxda Shakhtar kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo ay ka bixisay lacag dhan 52 milyan oo euro.

Xiddiga dalka Brazil ayaa tijaabada caafimaadka ku maray garoonka tababarka kooxda Man United ee Carrington intii uu Joogay England iskuna diyaarinayay koobka adduunka.

Si kasta ha ahaatee man United ayaan wali si Rasmi ah u soo bandhigin saxiixa xiddiga ama aan ugu dhawaaqin heshiiskiisa inkasta oo ay wax walba dhamaadeen.

Man United ayaa sida caadada ah ku dhawaaqista saxiixyada u qaybisa laba nooc oo kala ah sawiro iyo muuqaal yar oo ay ku soo bandhigto xiddiga kuna faafiso baraha bulshada.

Laakiin Man United ayaan saxiixeeda Fred wali si Ramsi ah u soo bandhigin waxana ay sababta dhabta ah ee ka dambaysa dib u dhacu tahay in ay wali u raadinayso Warqada Shaqada ee dalka UK taas oo aan wali si buuxda loogu ogolaan xiddiga sida laga soo xigtay Manchester Evening News.