Ogow xulka uu doonayo Pep Guardiola inuu ku guulaysto Koobka adduunka marka laga soo tago xulkiisa Spain

Bisha 6-aad ee sanadkaan waxaa dalka Ruushka lagu qaban doonaa koobka adduunka waxaana durba la bilaabay saadaalinta xulka ku guulaysan kara

Weerar yahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa daaha ka qaaday xulka uu doonayo tababare Pep Guardiola inuu ku guulaysto koobka adduunka marka laga soo tago xulkiisa Spain

Tababaraha reer Spain ayaa marka hore rajaynaya in xulkiisu uu ku guulaysto koobka adduunka taariikhda markii labaad

Image result for spain football team

Laakiin dooqiisa labaad ayaa ah xulka Argentina kaas oo uu u rajaynayo inuu ku guulaysto koobka adduunka sanadkaan haddii uu gafo xulkiisa Spain

“Guardiola wuxuu doonayaa in Spain ay ku guulaysato koobka adduunka, haddii taasi aysan dhicin, wuxuu doonayaa Argentina inay hanato koobka” ayuu yiri Sergio Aguero oo la hadlay Mundo Deportivo

Image result for messi and  Sergio Aguero

“Wuxuu ii sheegay haddii aan is hagaajiyo in Argentina ay fursad badan u haysato ku guulaysiga koobka adduunka”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com