Ole Gunnar Solskjaer Oo Bar-Bareeyay Rikoor 73 Sano U Yaalay Man United Kadib…

Macalinka Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku qoray taariikhda Manchester  United kadib guushii ay Man United ka gaadhay Naadiga  Newcastle.

Tababareha Ole Gunnar Solskjaer ayaa Man United ku hogaamiyay guul ay ka gaarto kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen weeraryahanada Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford ayaa Man united ka caawiyay in ay gaarto  guushoodii 4-aad oo xiriir ah intii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer hogaaminayay kooxda man united.

Kadib guushaas tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku qoray buuga taariikhda Man United isaga oo noqday macalinkii 2-aad ee guul

gaara 4-tiisii kulan ee ugu horeeyay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa bar-bareeyay rikoorkaas oo uu dhigay tababare Matt Busby kaas oo rikoorkaas dhigay 1946.

Taas ayaa la macno ah in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer bar-bareeyay rikoor 73 sano u yaalay Man United oo ay cid gaari wayda