Orodyahan Cali iidow xasan oo Soomaaliya u matali doona Cayaaraha 21 aad ee qaarada Africa

Cayaaryahan Cali Iidoow Xasan oo kamid ah cayaartoyda Qaranka cayaaraha ee Fudud ee dalka ayaa ka qayb galaya ciyaaraha 21-aad cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika.

Ciyaarahan oo ayg ka qayb galayaan ciyaartoyda waa wayn ee qaaraddaayaa maanta si rasmi ah uga furmi doona magaalada Asaba ee dalka Nigeria, waxaana ka qayb galaya 300 oo ciyaaryahan oo qaaradda Afrika ka socota.

Cali Iiidow waa ciyaaryahanki u horeeyay ee Kadib Cabdi Bile Cabdi fiinaal kasoo muuqdaCiyaaraha Fudud, waxuuna kasoo muuqday fiinaalka tartanka 1500 Mitir ciyaarahaIslaamka ee bishii May 2017 lagu qabtay magaalada Baku ee dalka Aserbajan.

Xiddigaan ayaa ka mid ah ciyaartoyda heer qaran ee ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed tan iyo July 2017 ay kujira xerohoy, nafaqayn wanaagsan iyo tababar joogto ah ay ku qaadanayeen waxuuna ku rajo wayn yahay inuu tartanka sameeyo saacad wanaagsan taasoouga mid noqon karo ciyaartoyda Professional-ka ee ka qayb qaadan kara tartamada Caalamiga.

Cali Waxuu Cayaarihii Baku ku oraday saddex daqiiqi iyo kontan iyo saddax ilbiriqisi (3.53). waxuuna u baahan yahay inuu tartankan ku orodo 3.44. taasoo ay ka xigto 9 ilbiriqsi.

Orodyahankaan ayaa ka qayb qaadan doona orodka 1500m iyo 800m, waxuuna tartanka oo maanta furmaya soo idlaan doonaa 5 bisha Agoosto.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

W/Q:: Xuseen Maxamed Hadaafow