Orodyahanka Reer Jamaica Usain Bolt oo qirtay inuu taageero u yahay midkood ……..

Orodyahanka caanka ah ee xulka Jamaica Usain Bolt ayaa qirtay inuu taageero u yahay Cristiano Ronaldo balse uu jeclaaday xirfadda dabiiciga ah ee Lionel Messi xilli labada xiddig ay 10-kii sano ee ugu dambeeyay si weyn aduunka ugu xifaaltameen.

Xiddiga Usain Bolt oo 31-jir ah ayaa hantay sideed biladood oo dahab ah intuu ka qeyb galaayay cayaaraha Olympicada aduunka, balse sanadkii lasoo dhaafay ayuu ka hawlgabay isagoo waayahiisa kusoo afjaray 11-biladood.

Kulan saaxiibtinimo oo sadaqo aruurin ah ayuu kasoo muuqday, wuxuuna qiray inuu taageero ba’an u yahay Cristaino Ronaldo, balse mar walba uusan inkiri karin xirfadda dabiiciga ah ee Lionel Messi.

Messi waa mid xirfad aan caadi aheyn leh” ayuu Usain Bolt u sheegay wargeyska sports.

  Cristiano Ronaldo si adag ayuu u shaqeeyay si uu u gaaro halka uu hadda joogo, Aniga wan ku dhashay xawaaraha waxaana leeyahay xirfad dabiici ah sida Lionel Messi

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com