Otamendi Oo Ka Hadlay In Lala Barbardhigi Karo Ramos & Weerar Yahanada Uu Ka Baqo

Daafaca kooxda kubada cagta Manchester City ee Nicolas Otamendi, oo wareysi gaar ah siiyay Shabakada MARCA, ee wadanka Spain ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in uusan isaga lamid ahayn kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.

“Sergio waa daafac dhexe oo cajiib ah, wuxuuna mar walba yahay mid heer sare ah iyo waliba mid kamid ah kuwa aduunka ugu fiican.

“Laga yaabee inaan isku noqono, laakiin qof walba wuxuu leeyahay awood gaar ah, waxaana kulan walba aan isku deyaa aniga inaan horumar aan sameeyo.

“Waxaan ogahay in dabeecadayda ay ka wanaagsan tahay labo jibbaarka lao qofood ay ku guuleysan karaan, inaan nadiif ahay iyo inaan si fiican booskayga uga haysto Pep, kasoo aan wax badan oo kubada cagta ah ka bartay.

Daafacaan reer Argentina oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu kaloo ka hadlay weerar yahanka isaga ugeystay dhibaatada ugu badan, islamarkaana uu ka baqo ama uu ka walwalo ugu yaraan marka uu kulan uga hor imaanayo.

“Waa jira kuwa badan – Luis Suarez waa mid si joogto ah udhaqdhaqaaqa, wuxuuna sameeyaa orod xagaleysan, wuxuu abuuraa boosas, kadib wuxuu isku diyaar inuu ordo,” ayuu kusii daray hadalkiisa, daafacii hore ee Valencia.

“[Romelu] Lukaku waa ciyaaryahan kale oo xoog badan, kaasoo farsamo ahaan wanaagsan deg deg badan, waxayna udhaxeeyaa labadaan [weerar yahanada dhibaatada ugu badan iigeystay],” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com