Paris Saint-Germain ayaa sheegtay in ay durba bilaawday badelka Xiddiga

Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badeli lahaa  Xiddiga Neymar kaas oo kusii jeeda kooxda Barcelona.

Naadiga Paris Saint-Germain ayaa dooneysa in ay soo qaadato Xiddiga dalka France iyo kooxda Atletico Madrid  Antoine Griezmann kaas oo ay u arkaan in uu badel Wanaagsan u noqon karayo Neymar oo dhawaan sheegay in uu dib ugu laaban doono kooxdiisi hore  Barcelona.

Neymar ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn in uu ka sii ka Cayaaro Horyaalka dalka France sidoo kalana uusan dooneyn in uu u Cayaaro kooxda Real Madrid oo dooneysa in ay qaadato sidaa daraadeed ayuu u sheegay in uu Barcelona ku laaban doono