Parma waqtiga dhimashada guuldaro kaga badbaadiyay xiddiga Gervinho

 Kooxaha kubada cagta ee  Juventus iyo Parma ayaa ku kala baxay bar baro 3-3 ah kulan ka tirsan horyalka Serie -A

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 36-aad hogaanka u dhiibay Juventus wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Daniele Rugani ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib markii uu goolkan ka caawiyay Cristiano Ronaldo. Sidoo kale  daqiiqadii 64-aad Antonino Barilla ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta ahna goolkii 3-aad ee kooxda Juventus, kadib markii uu dheesha ka dhigay 3-1 Mario Mandzukic ayaana goolkan ka caawiyay.

Laakiin Gervinho ayaa 74 daqiiqo 3-2 ka dhigay ciyaarta, wuxuuna dib neeft ugu oo celiyay kooxdiia Parma

Lkiin cayaarta  waxay is badashay kadib markii 90-ka daqiiqo Gervinho ciyaarta ka dhigay barbaro 3-3.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 3-3 ay ku kala baxeen kooxaha Juventus iyo Parma.

Image result for Juventus vs  Parma

Image result for Juventus vs  Parma

Image result for Juventus vs  Parma