Paul Pogba ayaa rajo weyn ka qabo dib ugu soo laabto garoomada ka hore kulanka weyn ee Manchester derby

Xiddiga qadka dhaxe  ee  France iyo kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa dhaawac kaga maqan garoomada, iyadoo ay yar yihiin kullamada uu ciyaaray xilli ciyaaredkan.

Wargeyska Daily mail ayaa sheeca ka qaaday in Paul Pogba uu tababar adag ku qaadanayo xerada tababarka Man United ee Carrington, isagoo ku rajo weyn in uu dib garoomada ugu soo laabto.

Paul Pogba ayaa ku rajo weyn uu garoomada ku soo laabto, isagoo maraya marxaladihii ugu dambeeyay kaddib qalliin looga sameeyay jillibka.

Bisha soo aadan gaar ahan 8 Maarso oo uu dhici doono Derby Manchester ayaa lagu wadaa in  macalin Ole Gunner Solsjaer uu dib u hello xiddigan.

Xiddiga 26 sano jirkan ayaa ka mid ah furayaasha Manchester United, kuwaas oo tartan adag ugu jira in sanad ciyaaredka soo adan ay ka qeyb galaan tartanka UEFA Champions League, halka xilli ciyaaredkan ay ku dagaalamayaan hanashada Tartanka labaad ee Yurub ugu xiisaha badan ee Europe League iyo FA Cup-ka.

Paul Pogba ayaa galay labadii sano ee ugu dambeysay qandraaskisa Man United iyadoo markaasi si weyn loola xiriirinayo kooxda caasimada Spain ee Real Madrid.

Image result for pogba training

Image result for pogba training

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com