Paul Pogba Oo Fahfaahiyay Sababta Uusan Isaga Ugu Qalmin Inuu Sanadkaan Ku Guuleysto Ballon d’Or

Antoine Griezmann ayaa aaminsan inay sanadkaan muhiim tahay inuu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or xidig reer France ka dib Koobkii Adduunka ee xagaagaan ee Russia, kaasi oo ay qaadeen.

Ciyaaryahan Paul Pogba oo arrintaasi wax laga waydiiyay ayaa ku raacay xidiga Atletico Madrid, laakiin wuxuu carabka ku dhuftay in isaga uusan uqalmin inuu biladaan hanto sanadkaan.

Pogba ayaa gool ka dhaliyay finalka, laakiin Griezmann oo dhameystiray sheekada ayaa noqday midka ugu cad-cad hanashada biladaan oo uu ciyaaryahan kasta ku haminayo.

Pogba ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey sababta uusan isaga ugu qalmin inuu ku guuleysto biladaan, wuxuuna soo xushay ciyaartoyda uu arko inay u qalmaan hanashada koobkaan wayn.

“Haddii ay tahay Grizou [Griezmann], Kylian [Mbappe], Raph [Raphael Varane] ama NG [N’Golo Kante], dhammaantood waxay iga mudan yihiin wax badan,” ayuu Pogba u sheegay AFP.

“Taasi waa wax walba oo aan rajeynayo mar walba, waxaa jira ciyaartoy badan oo u qalma.”

“Laakiin, aniga maya, sababta oo ah waxaa jira laacibiin kale oo iga mudan, sababta oo ah waxay sameeyeen wax badan iyaga oo qabtay shaqooyin wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kuxoo xiray.

Xiddiga khadka dhexe ee United ayaa lagu daray 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarintaan oo ay bixiso Shabakadda France Football xili ku guuleystaha looga dhawaaqi doona Paris 3-da December.