Paul Pogba oo ka hadalay macalinkii hore iyo in ay noqonayaan kuwa ugu sareeyo…………….

Paul Pogba” Waxaan kula guuleysanay kulamada macalinkii hore (Jose Mourinho), Laakiin waa qaab kale oo ka duwan sida aan hada u ciyaareyno ciyaaraha, Maadama aan nahay kuwo weerar badan oo abuurayo jaanisyo badan, Taasi waa sida aan rabno inaan u ciyaarno.

Waxaan dooneynaa inaan weerartano sidoo kale macalinku waxa uu doonaa inaan weerartano, Marka sida iska cad waxaan u baahanahay inaan guuleysano, Waxaana sidoo kale soo bandhignay qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Sidaasi darteed waxaan nahay kuwa soo laabanayo, Laakiin wali waxaan haynaa wado dheer oo aan u socono.

Waxaan nahay Manchester United, Waxaan u baahanahay inaan noqono kuwa ugu sareeyo ee horyaalka, Wali waxaan dooneynaa inaan hormar sameyno, Kooxdu waxa ay u baahan tahay in ay ku raaxeysato kubada cagta, Waana in taas.

Image may contain: 1 person

Image result for pogba