Paul Pogba Oo Saadaaliyay Kulanka Manchester Derby Xili Uu Ka Hadlay Rajadooda Guusha

Manchester United ayaa la balansan dhigeeda Man City kulan ka tirsan tartanka Premier League oo meel xiiso leh maraya.

Kooxahaan ayaa kamid ah Tobbanka ugu sareysa xili mid walba ay dooneysa inay sii wadato bandhigeeda fiican.

Red Devils waxay ka badisay Juventus kulankii ugu dambeeyay, kaasi oo kusoo dhamaaday 2-1, xili ay timid guusha xili dambe.

Paul Pogba oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay wuxuu bogaadiyay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin.

“Juventus si fiican ayey udheeshay, sidaas darteeda, waxaan ku farax-sanahay sida aan udheelnay, waana rajaynaa inaan sii wadno,” ayuu ku daray.

Pogba oo wax laga waydiiyay kulanka Manchester Derby: “Hadii aan udheelno sida ciyaartaan waxaan aaminsanahay inaan badin karno.

“Inaga mar kasta rajadeena waa mid sareysa, waana ku farax-sanahay sida aan nahay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Paul Pogba.