Paul Pogba oo saddex cayaaryahan midkood u saadaaliyay ku guuleysiga Ballon d’Or, mana ku jiraan Messi iyo Ronaldo!

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United ayaa saadaashiisa ka diibtay xiddigga ku guuleysan karo abaal marinta Ballon d’Or mar uu la hadlay AFP

Xiddigga qaranka France ayaa ka mid ah 30-ka cayaaryahan ee ug dambeysa kuwaasoo u sharraxan abaal marinta Ballon d’Or

Pogba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu wax qabadka badan xilli cayaareedkii lasoo dhaafay, waxaana uu qayb libaax leh ka qaatay Koobka Adduunka oo ay ku guuleysteen qarankiisa Faransiiska

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa midkood ay macquul tahay inuu qaado, taasoo ka dhigeysa in markii 11-aad in labadooda ay gacanta ku dhigaan

Hase ahaatee, Paul Pogba ayaa aaminsan in saddexda cayaaryahan ee isaga ka mudan ay yihiin xiddigaha kala ah Antoine Griezmann, Kylian Mbappe iyo Raphael Varane

Xiddigaha reer France ayaa ugu cad cad ku guuleysiga abaal marinan, halka Luka Modric uu yahay mid kale oo ay saadaalintu u badantahay, maadaama uu ku guuleystay abaal marinta FIFA The Best