Paul Pogba Oo Shaki weyn Laga Qabo Inuu Wajaho Liverpool & Sababta Oo La Shaaciyay

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa shaki uu ku jiraa kulanka kooxdiisa galabta la cayaarayaan Liverpool

Pogba ayaa awoodi waayay inuu dhammeysto tababarkii ugu dambeeyay kooxdiisa ka dib markii uu soo gaaray dhaawac lugta ah, sida laga soo xigtay The Sun

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu line-upka wajahaya kooxda Liverpool ka saaro xiddiga ugu qaalisan kooxdiisa

Mourinho ayaa fursad u siin doona xiddiga reer France inuu hubiyo taam ahaanshihiisa saacado ka hor bilowga cayaarta

Special One ayaa doonaya inuu 24 jirkaan ka saaro shaxdiisa, iyadoo United ay raadineyso inay kaalinta labaad ee Premier League kusii jirto

Liverpool ayaa laga yaabaa inay gaarto booska labaad , waase haddii ay garaacaan Red Devils oo kusugan garoonkooda

Pogba iyo Mourinho weli ma wanaagsana xiriirkooda, waxaana dhowr jeer cayaaryahanka la dhigay kursiga keydka

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com