Paulinho oo booqday xerada tababarka ee kooxda Barcelona

Laacibka khadka dhexe reer Brazil ee Paulinho ayaa ka faa’ideestay fursada fasaxa kulamada caalamiga ah, wuxuuna booqasho ku bixiyay xerada tababarka ee kooxdiisii hore ee Barcelona

Paulinho ayaa kula kulmay booqashadii uu maanta ku bixiyay kooxda Barcelona macalinkiisii hore ee Ernesto Valverde

iyo qaar ka mid ah cayaartoyda ay hogaaminayeen Lionel Messi iyo Jordi Alba

Image result for Paulinho

Xidiga reer Brazil ayaa kadib booqashada uu maanta ku bixiyay xerada tababarka ee kooxdiisii hore ee Barcelona wuxuu ka warbixiyay dareenkiisa wuxuuna ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadan

Image result for Paulinho back barcelona

“Mudadii aan halkan ku cayaaray waxaan ku guuleesanay horyaalka La Liga iyo Copa del Rey, waxa aan halkan ku jeclahay ayaa ah xushmada iyo jacaylka dadka”.

“Barcelona marwalba si fiican ayey u cayaareysaa, markaan awoodo waxaan daawadaa kulamada ay cayaarayaan, waxay cayaaraan kulamo aad u fiican”

Image result for Paulinho and coutinho

“Si wanaagsan ayaan u garanayaa Coutinho wuxuu ku fiican yahay xulka qaranka, iyo mudada aan kasoo wada cayaarnay kooxda Barcelona, Arthur Melo wuxuu qaab cayaareed fiican kala soo muuqday kooxda Barca sababa la xiriira tayadiisa iyo falsafadiisa, Malcom wali waa xidig da’ayar ah wuxuuna leeyahay mustaqbal aad u wanaagsan”

Image result for Paulinho and Malcolm

Waxaa xusid mudan in Paulinho uu ugu dhaqaaqay kooxda ka cayaarta horyaalka Chinese Super League ee Guangzhou xili cayaareedkii lasoo dhaafay aduun dhan 50 million euros