Pedro Rodríguez Oo Dhaliyay Gool Taariikhda Chelsea Baal-dahab Ah Ka Galay Kulankii Fulham

Pedro Eliezer Rodríguez ayaa goolka koowaad ee kulankii ay Chelsea wajahaday Fulham dhaliyay ciyaartaasi oo daqiiqadihii loo qorsheeyay 2-0.

Goolka labaad waxay Blues uga mahad-naqeysaa ciyaaryahanka lagu magacaabo Ruben Loftus-Cheek, kaasi oo dheesha muuqaal wacan ka sameeyay.

Goolka uu dhaliyay weerar yahanka reer Spain wuxuu ka dhignaa inuu ahaa kii 1,000aad oo ay Blues kaga dhalisay EPL iyadda oo minankeeda joogta.

Goolashaasi oo ay kawada qayb qaateen 116 ciyaaryahano oo kala duwan ayaa 34 kamid ah waxay ahaayeen kuwa ay iska dhaliyeen kooxihii ay ubaxday Chelsea.

Saddexda laacib ee ugu sareysa ee goolashaashi ka qayb-qaadatay ayaa waxay kala yihiin Frank Lampard oo 79 dhaliyay, Drogba oo 69aad ah iyo waliba Eden Hazard oo 47 ah.

Kulanka soo socda waxay wajahi doontaa naadiga Chelsea dhigeeda Wolves ciyaar xiiso badan oo qayb ka ah tartanka wayn ee League Cup.