Pelé ayaa sheegay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican kubadda cagta ee adduunka Messi & Ronaldo

Halyeeyga hore xulka Brazil ee Pelé ayaa sheegay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican kubadda cagta ee adduunka Waqti xaadirkan.
Sidoo kale Halyeeyga xulka Brazil ee Pelé ayaa isku arka inuu isagu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta adduunka oo dhan.

Pelé ayaa wareysi uu ku bixiyay Chanal-ka “Pilhado” ee dalka Brazil waxaa lagu weydiiyay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican adduunka wuxuun yiri:

Maanta waxaan arkaa in ciyaaryahanka adduunka ugu fiican uu yahay Cristiano Ronaldo, waxaan u maleynayaa inuu yahay kan ugu fiican maxaa yeelay isagu waa midka ugu badan ee joogtada ah.”

Ma ilaawi karo Lionel Messi dabcan, laakiin ma awoodo inuu noqdo weeraryahan wax go’aamin kara.

Sidoo kale Pelé ayaa isku arka inuu isagu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta adduunka oo dhan, mar arrintan wax laga weydiiyay wuxuuna yiri:

Waa su’aal ay adag tahay in laga jawaabo, ma awoodno inaan ilaawno Zico iyo Ronaldinho sidoo kale Yurub waxaa jiray xiddigaha Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff”.

Laakiin hadda qalad kuma lihi waxaana u malynaa in kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta inaan anigu ahay, Pele wuxuu ahaa koodii ugu fiicnaa dhamaantood.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com