Pele mise Maradona? Kompany Oo Magacaabay Xidigii Taariikhda Kubada Cagta Ugu Fiicnaa

Kumuu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta aduunka? Waa su’aal da’ wayn, taasoo xambaarsan macno wayn, dadkuna ay ku kala aragti duwan yihiin, qofkii mid soo xushana mala yaabi doono.

Pele iyo Maradona waa mid kamid ah magacyadda ugu caansan ee doodaan safka hore uga jira, laakiin Vincent Kompany, kabtanka Manchester City iyo xulka Belgium ayaa kusoo biiray.

Vincent Kompany ayaa wuxuu codkiisa uu ku biiriyay laacibka udhashay wadanka Brazil, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay midkii ugu wacnaa ee soo mara taariikhda kubada cagta aduunka.

“Waxaan rumeysanahay inaad mar walba haysato dood, Maradona, waad kusoo dari kartaa Messi oo hdda ah, labadooda makala fog,” ayuu Vincent Kompany usheegay CNN, isagoo qeexaya labada xidig.

“[Pele] wuxuu dhaliyay in ka badan Kun ool, taasoo ah wax ay adag tahay in la gaaro. Wuxuu kamid ahaa mid kamid ah kooxaha ugu fiican, laakiin wuxuu kaloo ahaa midkii ugu fiicnaa kooxaha waa weyn.

“Wuxuu ahaa mid marka uu helo Baas dheer, waxayba kamid ahayd waxyaabaha adigoo raacaya uu ku garaaci jiray goolhaye, marka uu ka akdhawaado Goolhayaha,” ayuu ku daray.

“Hadda waxaa si cidhiidi ah loogu xiisayaa goolkiisii ugu fiicnaa taariikhda Koobka Aduunka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Daafaca birta ah ee naadiga Sky Blues, wiilka lagu magacaabo Vincent Kompany.