Pep Guardiola Oo Amaan Ku Rusheeyay Tababaraha Arsenal Xili Uu Ku Sifeeyay Arrin Cajiib Ah

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa kulanka ugu horeeya ee EPL xagaaga cusub waxay wajihi doontaa dhigeeda Arsenal maalinta Axadda ah ee isbuuca dambe.

Kahor kulankaas, hogaamiyaha Sky Blues ee Pep Guardiola oo saxaafadda la hadlay waxa uu amaan ugu qubeeyay macalinka Gunners ee Unai Emery, kaasoo ay isku arki doonan markii ugu horeysay tartanka EPL.

Emery ayaa waxa uu taliska Arsenal uu kala wareegay ninkii 22-kii sano ee lasoo dhaafay kooxdaan majaraha u hayay ee Arsena Wenger, kaasoo shaqadda iska casilay bishii June ee sanadkaan.

Guardiola ayaa yiri: “Isaga waa macalin wanaagsan – waxa uu kusoo gaaray guulo markii uu sugnaa Sevilla, halkaasoo uu kula soo guuleystay Saddex jeer oo Europa League oo xiriir ah.

“Isaga waa tababare aan caadi ahayn, marka waxa uu ku noqon karaa Premier League mid wanaagsan.

Mar la weydiiyay hadii uu yahay mid ugu cad-cad inay mar labaad ku guuleysan karaan EPL ayuu Guardiola raaciyay: “Sagaalkii sano ee lasoo dhaafay waxaan ku noolaa xaaladaas, mana lahan dhibaato.

“Tan iyo sagaal sano, sanad ciyaareed kasta marka laga reebo midka koowaad xiligii aan tegay Barcelona – Waxaaan ku guuleysanay saddex-ley koobab ah, intaas kadib waxaan ahayn kuwa ugu cad-cad.

“Marka waad mahad-san tahay, adigana waxaad tahay sidaas,” ayuu tababare Pep Guardiola ku soo xiray hadalkiisa, xili uu umahad-naqayay saxafigii waydiiyay su’aashaas.