Pep Guardiola Oo Diiday Inuu Meesha Ka Saaro Aaditaanka Horyaalka Talyaaniga Iyo Sababta

Tababaraha Manchester City ayaa shaaca ka qaaday inuu ku qanacsan yahay kubada cagta Talyaaniga isagoo ka hadlayay Dello Sport ka dib markii uu diidey in uu meesha ka saaro mustaqbalka ku biiri karo.

Pep Guardiola oo kamid ah macalimiinta ugu wanaagsan, caalamka ayaa waayihiisa ugu wanaagsan ku qaatay Barcelona.

Sky Blues oo labo sano kahor uu yimid ayuu la hantey Premier League xagaagii hore, inkasta uu shaki ku jiro haday daafacan karaan.

Waxa uu yiri: “Ma inaan kursiga keydka ugu jiro aaditaanka Talyaanigaa? Wax kasta waa mid macquul ah.

“Marnaba ma dhahayo waxaan aadi lahaa Jarmalka iyo in aan baran lahaa Jarmalka, marnaba isma aanan oran.

“Daafac wanaagsan ayaa adiga kaa dhigi karta mid aanan la qaban karin, nolasha waa taasi, waan guuleysanaa, waana khasaarnaa.

“Balse, waxaan ku qanac-sanahay in Talyaaniga ay joogaan ciyaaryahan wanaagsan, kuwaasi oo wax wanaagsan sameynaya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay maamulaha Muwaadiniinta.