Pep Guardiola Oo Fariin Cajiib Ah U Diray Ciyaartoydiisa Kadib Markii Ay Ka Badiyeen Chelsea

Tababaraha Manchester City, ninka lagu magacaabo Pep Guardiola, ayaa wuxuu ka hadlay guushii muhiimka ahayd, taasoo ay kooxdiisa kaga gaartay Etihad Stadium, kooxda daafacaneysa Premier League, ee Chelsea.

Sky Blues, ayaa waxay kusoo dar-dartay Blues 1-0, waxayna tani ka saaciday inay 18 dhibcood oo nadiif ah ay uga qabato shaxda kala horeynta ee Premier League, kooxda Liverpool, oo kaalinta labaad fadhisa.

Sikastaba, Pep oo la hadlay kadib ciyaartii Blues, Shabakada Sky Sport, ayaa wuxuu ugu baaqay ciyaartoydiisa inay joogteeyaan muuqaal ciyaareedkii ay soo bandhigeen kulankii Chelsea, taasina ay ka caawin karto inay EPL, qaadan.

“Waa [guul] muhiim aad u ah, waxaana guushaan ay nasiineysaa talaabo kale, oo aan ugu dhaaweyno [qaadista Premier League],” ayuu Pep Guardiola, usheegay Shabakada Sky Sport, kadib Dheeshii Blues.

“Waxaan hada ubaahan-nahay inaan guuleysano afar kulan si aan uqaadno horyaalka, waa mid gacmaheena ku jirta, si aan unoqano kuwa qaada horyaalka, waa inaan noqonaa sidii [kulankii aan garaacnay Chelsea].

“Inaad wajahno koox weyn, sida Chelsea kuwaasoo wali ah kooxda daafacaneysa horyaalka, inaan garaado iyaga iyo qaabkii aan ku garaaacnay, waa sababta aan aad ugu fiican yahay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Pep Guardiola.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com