Pep Guardiola Oo Mowqif Cad Ka Qaatay Inuu Tababare U Noqdo Xulkiisa Spain – Miyuuse Rajaynayaa?

Pep Guardiola ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu leeyahay hami ah inuu maalin un uu tababare u noqdo wadankiisa Spain oo kamid ah kuwa lagu tix-geliyo kubadda cagta.

Maamulaha kooxda Premier League dheesha ee Manchester City ayaa carabka ku dhuftay inuu kalsoonida buuxda ku qabo inuu booskaasi kasoo dhalaali doono.

Barcelona, Bayern Munich iyo haatan oo Sky Blues, Guardiola wuxuu ka sameeyay kubadda cagta wax kasta oo macquul ah, isaga oo qaaday koobab waawayn.

“Waxaan doonaa inaan macalin unoqdo dalkeyga, waana hubaa midaas, waana ku rajo waynahay,” ayuu Pep Guardiola yiri, sida ay kasoo xigatay Majaladda MARCA.

Sikastaba, Pep Guardiola ayaa wuxuu haatan kamid yahay macalimiinta ugu wanaagsan kubadda cagta, gaara ahaan Qaaradda Yurub, wuxuuna leeyahay falsafad guulaysatay.

Riyadiisa ku aadan inuu hogaamiye xuleed noqdo ayaa waxay imaaneysa xili ay da’da ka daba timid, taasoo loo arko mid uu doonayo inuu isaga nasiyo midka kooxeed.