Pep Guardiola Oo Sharaxay Farqiga U Dhaxeeya Champions League Iyo EPL Xili Uu Shaaciyay Midka Adag

Manchester City ayaa waxay barbardhac 2-2 ah la gashay dhigeeda Lyon, kulankii Champions League, kaasi oo ay labadda kooxood ciyaar qurux badan soo bandhigaan.

Natiijadaasi kama aysan celin Muwaadiniinta inay sugtaan booskooda wareega 16-ka, balse, ma hubaan hadii ay kaalinta koowaad kusii bixi karaan.

Pep Guardiola, oo kulanka kadib wareysi siiyay saxaafadda wuxuu carabka ku dhuftay in kooxdiisa ay isha ku hayneyso labadduba – Premier League iyo Champions League.

Balse, wuxuu qiray inay kala yihiin tartamo kala duwan, isaga oo Dhagawayne ku tilmaamay midka ugu adag, xili EPL-ka uu siiyay tix-gelin gaar ah.

“Xili ciyaareedkan hadafkeena ugu wayn waa inaan qaadno koobab…Balse, waxaan xaqiijin karo, waa inay wax dhici doonan, ma garan karo waxay yihiin,” ayuu yiri.

“Champions League iyo Premier League, way kala duwan yihiin tartanka Yurub waa midka ugu adag, inkasta oo kan Ingiriiska uusan isna sahlaneen.

“Marka, si aan u gaarno hadafkeena waa inaan udiyaar-sanaanaa dhibaatooyinka aan wajahi karo, oo ay ugu horeyso adkeysasho la’aan, waana hubnaa inaan sameyn karo gedi,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.