Pep Oo Jawaab Kulul Siiyay Masuul Ka Tirsan FA Oo Maradiisa Jaalaha La Barbar-dhigay Calanka ISIL

Xili ay soo kordheyso muranka ka dhashay Marajada Jaalaha ah ee Garabka ugu xiran Pep Guardiola, ayaa wuxuu mar kale difaacay sababta uu xiran yahay, wuxuuna jawaabay hadal kasoo yeeray Sarkaal FA-ga ka tirsan.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Martin Glenn, kaasoo ah madaxa xiriirka kubada cagta Ingiriiska ee FA loosoo gaabiyo, ayaa wuxuu lala barbardhigay Maraajada uu sito Pep, calanka kooxda Daacish ama ISIL.

“Waa mid fiican in Martin Glenn uu bixiyo Raali gelin laakiin markii ugu horeysay ee aan arkay hadalkiisa, wuxuu ila muuqday mid aanan fahansaneen ujeedka aan uxiran nahay,” ayuu Guardiola usheegay wariyaasha.

“Waxa uu sameeyay hadal fara badan oo ku saabsan xaqiiqda dhabta ah, laga yaabee inuu hadda og yahay waxa ay ka dhigan tahay.

“Ma ahan madax-bannaani ama xoriyad la’aan waxay ku saabsan tahay dadka xabsiga ku jira oo aan waxba samayn [ama aan galabsan].

“Waan fahamsanahay [dacwadda FA-da], waana aqbalayaa, laakiin taas micnaheeda ma ahan inaan ku raacsanahay.

“Imisa jeer ayay qaateen go’aamo, kuwaasoo ubaahan in la cadeeyo inay hadii ay yihiin kuwa cadaalo daro ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, hogaamiyaha kooxda Manchester City, ninka kasoo jeeda Gobolka Catalonia.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com