Petr Cech OO Rikoor Ka Dhigay Premier League

Goolhayaha kooxda Arsenal ayaa magaciisa meel sare uga qoray Premier League kadib guushii shalay galab Arsenal ay ka gaartay Watford

Petr Cech ayaa shalay galab ilaashaday shabaqiisa markii 200-aad ee intii uu ka cayaarayay horyaalka ingiriiska, wuxuuna noqday goolhayihii ugu horeeyay ee gaara tiradaas

Cech ayaa ka soo dhaqaaqay Chelsea 2015 isaga oo shabaqiisa ilaashaday 162-kulan, mudaddii uu joogay Arsenal ayuu ilaashaday shabaqiisa 38-kulan, sidaas ayuuna ku gaaray 200-kulan oo aan shabaqiisa la soo taaban

Kulankii shalay galab ayaa u ahaa Petr Cech mid xusuus leh, maadama uu gaaray rikoorkaas kadib markii uu badbaadiyay gool ku laadkii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu yimid Arsenal

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com