Philippe Coutinho Oo Sharaxay Faa’idooyinka Barca Ka Dhaxlayso Saxiixa Cusub Ee Arthur

Philippe Coutinho ayaa ugu horeyn amaan kala dul-dhacay laacibka dhowaan kusoo biiray Barcelona ee Arthur Melo.

Wiilkaan ayaa Bluagrana uga soo wareegay dhigeeda Gremio, isaga oo lagu soo iibsadey qiimo lacageed dhan 17 milyan oo Yuuroo.

Arthur ayaa illaa iyo haatan wuxuu camaaliqada La Liga usaftay dhowr kulan, kuwaasi oo dhamaantooda lala dhacay.

Labadii ciyaar ee ugu dambeysay, kuwaasi oo ay u kala baxeen Tottenham Hotspur iyo waliba Valencia ayuu si wayn isku muujiyay Arthur.

Coutinho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laacibkaan faa’idooyinka laga dhex-layo ay tahay inuu dhexda Banooniga kasoo dhiso.

“Inaga waxaan ka hadlaa ciyaaryahan dhab ah,” ayuu wariyaasha u sheegay Coutinho, shalay oo Arbaco ahayd.

“Isaga mar kasta wuxuu kooxda ukaxeeyaa weerarka, isaga oo kasoo dhisaya kubadda dhanka khadka dhexe,” ayuu raaciyay.

“[Arthur Melo] waa mashiinka kooxda,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibkii hore ee Liverpool Philippe Coutinho.