Philippe Coutinho Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Laabanaya Koox Uu Horay Ugu Soo Ciyaaray

Xiddiga  kooxda Bayern Munich Amaahdana uga maqan Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu si lama filaan ah heshiis 2 sano ah ugu laabanayo Inter Milan.

Xiddiga dalka Brazil oo Suuqii January 2018 ku biiray Barcelona ayaa ku dhibaatooday kooxda taas oo keentay in uu amaah uga tago kooxda xagaagii una ciyaaro Bayern Munich.

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Philippe Coutinho u aragto badalka Lautaro Martinez kaas oo lala xiriirinayo in uu isaga tagayo xagaaga Inter Milan.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Conte doonayo in uu xiddiga dalka Brazil ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe kana garab ciyaarsiiyo xiddiga Christian Eriksen

Philippe Coutinho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo Bayern u dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale 22 kulan oo uu saftay.
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com